Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isimada dhaqanka oo go’aan ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Garoowe

Isimada Dhaqanka SSC ayaa go’aano ka soo saaray shaqaaqadii habeeno ka hor Magaalada Garoowe ku dhexmartay Ciidamo kala taageersan hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Garaad Jaamac Garaad Ismaacil ayaa sheegay iney u kaceen xal ka gaarista shaqaaqadaas, ayna ku guuleysteen inay la kulmaan labada dhinac.

Waxaa uu intaas ku daray inay Madaxweyne Deni ugu tageen Magaalada Qardho ayna meel wax isla dhigeen.

Wuxuu sheegay in ay la wareegeen Isimada dhaqanka Gobolada SSC xal ka gaarista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Garoowe, isla markaana ay ku guuleysteen, balse wixii wada-hadallo kale ah dib la isugu soo laaban doono doorashada.

“Madaxweynihii waan u tagnay, isagoo waliba safar ah ayaan Qardho ugu tagnay, golaha deegaanka iyo dawladdaha hoose awalba dood lagama qabin, wuxuu ahaa arin ay dadku doonayeen, laakiin arinka 8 Janaayo iyo xaaladdaha ka dambeeya, Madaxweynaha waxan isla soo qaadanay in talo la isugu yimaado, taladaasna wuu qaatay mana dhaafi karo, waxa weeye talada waanu wada leenahay, annagu haddaan nahay dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag ka soo jeeda xaajadaas annagaa la wareegnay, annagoo wakil ka ah salaadiinta Puntland oo dhan.” Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Hadalkan kasoo yeeray Garaad Jaamac Garaad Ismaacil oo kamid ah Dhaqanka Gobolada SSC ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Xeer Ilaaliyaha Puntland uu shaaciyay Magacyada siyaasiyiin lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen shaqaaqada oo loo jaray waaran lagu soo xirayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Armenia oo afar tuulo ku wareejisay dalka colaada kala dhaxeeyay ee Azerbaijan kaddib markii…

Cabdi Cade

Maxaa kasoo kordhay kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka yeelan lahaayeen ?

Cabdi Cade

Guddiga Amniga Muqdisho oo caawa digniin adag soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---