Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh iyo Wafdigii uu horkacayey oo caawa gaaray Jeddah (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Jimce ah ka qeyb gali doona Meertada 32-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaalo cusub kadib markii uu fashilmay …

Cabdi Cade

Bankiga dhexe ee Somalia oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaanka Gobsho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---