Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo xaalado taagan kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha Amniga, Howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Fatahaadaha iyo sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyeen fatahaada, kor u qaadida mashaariicda horumarinta, iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo kulankaan ku wehlinayay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Saadaq Salaad Warsame ayaa Danjire Tiina Intelmann uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen mashaariicyada horumarinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Magacyada & qabiilada Wasiirada cusub ee Galmudug & beesha ugu badan

admin

Musuq-Maasuq Halis ah oo ku wajahan Ganacsiga Qaadka Somalia iyo Canshuuraha ay Dowladdu ka hesho

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---