Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo war ka soo saaray qarax ka dhacay Muqdisho

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa war ka soo saaray qarax weyn oo galabta ka dhacay Suuqa degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa mid lagu soo xiray gaari ayaa ka dhacay agagaarka Suuqa Muqdisho Mall oo ku dhow xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana daryankiiisa laga maqlay meelo badan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo aad u xooganaa awgeed uu dhaliyey khal khal iyo kala carar xoogan oo ka dhacay Suuqa.

Qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta Maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegay iney ka boodeen derbiyada, iyagoo u qaatay in xarunta la soo weeraray.

“Maanta 17/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agaagaarka Muqdisho Mall” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska.

“Muwaadinkii wuu nabad qabaa, ma jiraan wax qasaare ah oo kale marka laga reebo gubashada gaarigii dab ka dhashay qarxay” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Booliska oo aan lagu xusin shaqsiga uu ahaa qofka iska lahaa gaariga la qarxiyey ee weerarkaas ka badbaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo xukun gacan goyn ah ka fulisay degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

Caydiid Ali

Daawo:-Sababta ay ugu aamusan yihiin mucaaradka dhisma Hirshabelle & cabasho loo gudbiyay….

admin

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharci cusub, Maareeyana u magacaabay Hay,adda Duulista

Cabdi Cade