Mudane Saciid Deni wuxuu Puntland u horseeday hogaamin uu shacabka Puntland uu gacmahooda dib ugu soo celinayo awooda dowladnimada maamul goboleedkooda, taasoo ka turjumeysa in shacabka Puntland ay si madaxbanaan oo xor ah ay codkooda ugu soo doortaan cida siyaasad ahaan ku mateleysa goleyaasha go’aaminaya masiirka siyaasadeed ee lagu maamulayo deegaanadooda.
Qabsoomida doorashadaas waxey horumar ahaan taariikheed ay Puntland ka dhigaysa maamul goboleed dimoqaraadiya, waxeyna tilaabadaas taariikh ahaan ay dharbaaxo weyn ku tahay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo walaac weyn ka qaba saameynta ay waxyeelo ahaan ku yeelan karto jiritaankooda siyaasadeed, iyagoo ogsoon ineysan tilaabadaas oo kale aysan qaadi karin, taasna ay u soo jiideyso kartixumo siyaasadeed.
Puntland geediga ay ugu jeesatey iney ugu dhaqaaqdo jihada quman ee qabashada doorashooyin toosa oo ay shacabkeedu ku dhiibanayaan codkooda ayaa waxey tahay tilaabo miisaan culus oo siyaasad ahaan heerkeedu sareeyo, taas oo guusheedu si sareeysa kor ugu qaadeysa qiimaha qayiimka dowladnimada Puntland, waxeyna Puntland ka dhigeysaa maamulka labaad ee Soomaaliya oo horumarkaas siyaasadeed ku tilaabsada, taas oo ah iney awooda dimoqaraadiyada si buuxda oo madaxbanaan ay isugu maamulaaan.
Qabashada doorasho qof iyo cod ah ma ahan hawl sahlan oo uu hogaamiye kasta ku dhiiran karo, waana tilaabo geesinimo leh oo loo qaaday wanaaga guud ee waxtarka maslaxadda dadka iyo dowladnimada. Wax walba oo wanaagsan bilowgeeda ayaa ah iskuday ay ka abuurmeyso rajo hididiilo wanaagsan u leh horumarinta danta guud ee maslaxadda shacabka, taas oo aayaha mustaqbalkooda ka dhigeysa mid wanaagsan oo iftiimeysa.
Siyaasad kasta oo hirgelinteedu ay curdan tahay waxey leedahay qaladaad ka dhalanaya meelmarinteeda, balse waayoaragnimoxumada lagala kulmayo geedi socodka lagu gaarayo hanaqaadkeeda ayaa ah ka faa’iideysigeeda mid looga mirodhalinayo ka guulgaarideeda. Jid kasta oo mariinkiisu dheer yahay waxaa ugu muhimsan waa qaadista tilaabada kowaad oo dhib badan lagala kulmayo, taas oo ka dhigeysa in qeyb ka mida geedigaas dheer ay noqoto mid horeyba guusheeda loo hanto oo weliba wixii fashila oo hayaankaas dheer lagala kulmo ay noqoto qeyb ka mida waayoaragnimada loo adeegsanayo dhameystirka lagu gaarayo guusha kama dambeysta la hiigsanayo.
Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Deni wuxuu muujiyey biseyl siyaasadeed oo aysan lahayn madaxda hogaamineysa dalka iyo kuwa maamul goboleedyada kale, wuxuuna si geesinimo leh u qaatay tilaabo siyaasadeed oo sooyaal wanaagsan u noqoneysa mid dhaxal maguurto ah u reebta shacabka Puntland oo ay mustaqbalka dhow arki doonaan wanaaga guud oo ay dadku ka macaashaan ismaamulkooda iyo qiimaha sareeya oo ay kala kulmaan tixgelinta ay u hayaan caalamka iyo Soomaalida guud ahaan.
Shacabka Puntland haddii ay doonayaan iney ku wada noolaadaan hogan u horseedaya ku dhaqanka nidaam dimoqaraadiyadeed oo qiimo iyo qaayo ismaamul dowladeed leh, waxaa waajib ku ah iney taageeraan siyaasadda Madaxweyne Saciid Deni uu ku doonayo inuu Puntland uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taas oo marka laga reebo Somaliland, Puntland ka dhigeysa mid Soomaalida inteeda kale ka horeysa toban sano, cid walbana ay u noqoto tusaale ay uga dayato tilaabooyinka siyaasadeed oo ay uga horeeyso.
Tilaabadaas siyaasadeed ee uu ku dhawaaqey Madaxweyne Deni inuu Puntland ka hirgelinayo waxaa ku dhici waayey madax badan oo heer maamul qaran soo qabtay, iyagoo cabsi badan ka qaba saameynta taban oo ay ku yeelan karto jiritaankooda siyaasadeed, maxaa yeelay ka guurida hanaanka siyaasadda beeleysan ee Puntland waa mid xididadeedu xoog ugu dhex aasan yihiin doorka ay awood ahaan ku leeyihiin caaqilada beelaha oo milkiyad badan ku dhex leh hanaankaas qabyaaladda ku dhisan.
In laga guuro hanaanka siyaasadeed ee ku dhisan qabyaaladda oo loo guuro hanaan caalamiya oo ku dhisan siyaasad dimoqaraadiya waxey dhibeysaa dad badan oo awood qeybsiga ku dhisan sedbursiga qabyaaladu ku weyn tahay iyo siyaasiyiinta ay dhibeyso xanafta ay wadato isbedelka siyaasadeed oo lidka ku ah dhaqan siyaasadeedkii soo jireenka ahaa oo ay ku heysteen awoodo badan oo lagama taabtaana.
Madaxda sare ee dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa la gudboon iney gacan weyn ku siiyaan Madaxweyne Deni sidii uu ugu guuleysan laha inuu Puntland ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah xurmeynta qodobka ugu weyn dimoqaraadiyenta maamulka dowladda ee dastuurka Soomaaliya uu tilmaamayo hiigsigeeda, waxaana tixgelin mudan in lagala shaqeeyo Madaxweyne Deni ka gudbida caqabadaha ku horgo’an iyo in si isku mida looga soo wada horjeesto cid kasta oo ishortaag ku sameysa qabashooyinka doorashooyinka qof iyo codka ah.
W/Q: Prof. Saciid Ciise Max’uud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, USA