Allbanaadir.com
NEWS

Puntlnad oo ammartay in lasoo xiro afar Siyaasi uu ku jiro lataliyaha Madaxweyne Xasan

Maamul goboleedka Puntland ayaa ammartay in lasoo xiro oo caddaaladda la horgeeyo afar siyaasi oo xilal kala duwan kasoo qabtay maamulka Puntland iyo kuwa hadda xilal ka haya dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa waaran soo qabasho ah loogu jaray afarta siyaasi oo kala ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Ergeyga Madaxweyne Xasan Sheekh, Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Afartan siyaasi ayaa xeer ilaalinta Puntland ku eedeesay in ay ka dambeeyeen dagaalkii habeen hore ka dhacay duleedka magaalada Garawe, kaa oo dhax maray ciidamo daacad u ah madaxweyne Deni iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiintan qaarkood.

Siyaasiyiinta xeer ilaalinta Puntland ammartay in lasoo ciro ayaan wali ka hadlin arrintan, lamana oga sida ay ku suurto geli karto in lasoo qabto siyaasiyiintan oo ah kuwa hubeesan awood badana ku leh deegaannada Puntland.

Xubnahan kasoo horjeeda nidaamka doorashada qof iyo cod uu rabo madaxweyne Deni ayaa ahaa saaxiibadii hore ee Siciid Deni, waxaana xusid mudan in ay ahaayeen ragii ugu miisaanka cuslaa ee Dani usoo dhisay 2019-kii qabashada xilkan uu hada ku colaadinayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo kasoo guuray Hotelkii lagu weeraray

Cabdi Cade

Xamse Barre oo shirkii labaad la qaaatay gole uu dhowaan ku dhawaaqay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dilal kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---