Allbanaadir.com
NEWS

Tirada dadka shacabka ah ee ku dhintay dagaalka ka socda Sudan oo la Shaaciyay

Dagaalka ka socda dalka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ee RSF ayaa galay bishii labaad, waxaana sii kordhaya khasaaraha dagaalka kasoo gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka shacabka ah.

Midowga dhaqaatiirta dalka Sudan ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay tirada dadka shacabka ah ee ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalka ka socda magaalooyin badan oo kuyaalla dalka Sudan.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in dagaalka dadka shacabka ee ku dhintay gaarayaan 822 qof, halka dhawacyada iyana lagu qiyaasay in ay ka badan yihiin 3,215 oo qof, dadkan ayaana waxyeelada ku gaartay magaalooyinka dagaalku ka socdaan.

Magaalada El-geneina ee woqooyiga Daarfuur ayaa dhaqaatiirta sheegeen in labadii maalin ee ugu dambeesay kaliya lagu dilay dad shacab ah oo gaaraya 280 qof , halka tiro intaa ka badana lagu dhaawacay.

Dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana dagaalka ugu xooggan ee dadka shacabka ah waxyeeladu kasoo gaartay ka dhaceen magaalooyinka  Khartuum , Bahri, El-geneina,Omdurman iyo sidoo kale magaalada Al Cubeid .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe Abaabul dagaal ka wada Guulane lana hadlay dadweeyne badan (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xukun toogasho ah ku fulisey labo dhalinyaro oo ay ku eedeeysay..

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo magacaabay la taliyaha cusub ee arrimaha..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---