Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Musharaxiin iyo ergooyin ku qulqulaya Dhuusamareeb & amniga oo la xoojiyey

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay gaaray maanta Dhuusamareeb; Caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Marwo Xalima Ismail Ibrahim (Xaliimo Yarey) oo hogaaminaysa wafdigan ayaa warbaahinta uga warbixisay ujeeddada safarkeeda.

Waxay sheegtay inay u tageen magaalada Dhuusamareeb qabashada doorashada buuxinta kursi ka bannaan golaha shacabka Soomaaliyeed oo degaan doorashadiisu tahay Galmudug.

Qaar ka mid ah Musharixiinta ku tartamaya kursigan iyo ergooyinka dooranaya ayaa ku sugan gudaha Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo qaar kalena ay saaka ka ambabaxeen magaalada Muqdisho.

Doorashada Kursigan oo la qorsheeyey inay qabsoonto 4ta bisha Septembar 2018 oo ku beegan beri oo Talaado ah ayaa waxa ka soo qayb geli doona korjoogto ballaaran oo ka kala socota qaybaha kala duwan ee bulshada, Oday dhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta.

Maamulka Galmudug ayaa xoojiyey amaanka Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ciidamo aad u hubeysan la dhigay wadooyinka gala goobta doorashadu ka dhaceyso.

Doorashadan ayaa la filayaa inuu ku soo baxo xubin baarlamaan oo buuxiya Kursi ka mid ah saddexda kursi ee ka bannaan Golaha Shacabka iyadoo la filayo in dhowaan Guddigu uu ku qabto Magaalada Baydhabo doorashooyinka labada kursi ee u haray Golaha shacabka Somaliyeed.

Kursigan doorashadiisu ka dhaceyso Dhuusamareeb ayaa waxaa dhowaan iska casilay C/qaadir Gaafow Maxamuud, waxaana musharaxiinta u tartamaya ugu cad cad Jen. C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ah taliyihii hore ee NISA, sidoo kalena sanado badan soo maamulayey hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo raadineysa Dhaqaale Maaliyadeed oo Dheeraad ah

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Shaaca ka qaaday in aan marnaba la cabsi gali karin !!

Cabdi Cade

Faraanti lumay 12-sano kahor oo laga helay meel aan laga fileyn !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---