Allbanaadir.com
NEWS

Hantidhowrka Qaranka oo farriin u diray Masuuliyiinta dowladda ee shaqada ka tagaya

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray war-gelin ku aaddan dib usoo celinta gaadiidka iyo hantida kale ee hay’adaha dowladda ee masuuliyiinta kala duwan marka xilal loo dhiibo lagu wareejiyo si ay  waajibaadkooda shaqo ugu gutaan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa loogu sheegay masuuliyada hay’addaha dowladda marka ay shaqada ka tagayaan in ay dib usoo celiyaan gaadiidka iyo hantida kale ee dowladda horey u siisay.

Sidoo kale, waxaa hay’adaha Dowladda lagu war-geliyay in laga doonayo in ay magaca hay’adda ku diiwaan-galiyaan hantida iyo gaadiidka, taa badalkeeda ay mamnuuc tahay in   lagu diiwaan-geliyo magac qof gaar ah.

Xafiiska Hantidhowraha Qaranka ayaa horey usoo saaray ammar ku socda masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dowladda oo horey usii qaatay gaadiid iyo agab kale oo dowladdu leedahay , kuwaa oo la faray in ay dib usoo celiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Mursal oo ka hadlay Musharaxnimada Abuu Mansuur iyo Fara galin dowlada ay…

Cabdi Cade

(Akhriso) Baarlamanka Somaliland oo ansixiyey xeer ka dhan ah dowlada Somalia

Caydiid Ali

Sidee Gudoomiye Aadan Madoobe loogu soo dhoweeyey Riyadh (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---