Allbanaadir.com
NEWS

Madax Afrikaan ah oo dhex-dhexaadin doonta Raashiya iyo Ukraine (Yaa kamid ah)

Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika, Matamela Cyril Ramaphosa ayaa sheegay inay Raashiya iyo Ukraine oggolaadeen inay qaabilaan Ergo Madaxweynayaal Afrikaan ah oo doonaya inay xaliyaan colaadda u dhexeyso labadaasi dal.

Cyril Ramaphosa oo Shir Jaraa’id qabtay, waxa uu tilmaamay inuu kala hadlay arrintaasi Madaxweynaha Raashiya, Vladimir Putin iyo Hoggaamiyaha dalka Ukraine, Vladimir Zelenskyy, iyagoo oggolaaday Codsiga Dhexdhexaadinta ay dhowr Madaxweyne Afrikaan ah garwadeen ka yihiin.

Mar uu ka hadlayey Hoggaamiyayaasha qeybta ka noqonaya dadaalkaasi Dhexdhexaadinta waxa uu xusay inay Madaxweynayaasha Koonfur Afrika, Masar, Congo, Senegal iyo Uganda oggolaadeen inay qeyb ka noqdaan Dhexdhexaadintaasi.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa waxa uu xusay inay Qorshahaasi la wadaagaan Xoghayaha Guud ee QM iyo Dowladaha Maraykanka iyo Britain.

Ma cadda inay Madaxda Afrikaanka ku guuleysan doonaan Dhexdhexaadintaasi, iyadoo ay horey dhowr Dowladood oo ay ku jiraan Shiinaha, Türkiye iyo Brazil ku baaqeen inay Dhexdhexaadiyaal ka noqdaan Colaadda u dhexeysa Ukraine iyo Raashiya.

Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cunaqabateyn lagu soo rogay shaqsiyaad Sacuudi ah oo ku lug lahaa Dilkii Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay qarax lagu dilay Odayaal Caan ah oo ka dhacay Boosaaso

Cabdi Cade

Dowlada oo qorsheeneysa in ay xirto salaxyada lagu ciyaaro ee kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---