Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo saddex qeyb ka kooban oo howlgal culus ka sameeyay qeybo kamid ah Muqdisho

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgalo culus oo lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo in Al Shabaab katirsan yihiin iyo dad kale oo iibinayay waxyaabaha maanka-dooriya kusoo qabtay Muqdisho.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada booliiska, nabad sugida iyo booliiska sida milatariga u tababaran ayaa laga fuliyay qeybo kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaana intii howl galka wadeen qab qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo la tuhmay, waxaana baaritaano dheer kaddib lasii daayay dhallinayaradii la qab qabqay marka laga reebo labo nin oo lagu tuhmayo in Al Shabaab katirsan yihiin.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriyada sida xashiish iyo calaq , waxa ayna ciidamada qabteen shan qof oo la sheegay in waxyaabahaasi maanka-dooriya ay iibinayeen sidoo kale isticmaalayeen.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo laga howlgaliyay ciidamo booliis oo sida milatariga u tabaran ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, waxaana yaraaday dilalkii iyo qaraxyadii magaalada ka dhici jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dhalinyarada Soomaaliyed ka dalbaday arrin xasaasi ah

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Afhayeenka Gobolka Banaadir (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---