Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka nin ka lusha baalle Koronto oo saaka lagu arkay duleedka Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Siinka dheer waxaa saaka waabirigii hore lagu arkay halkaas maydka nin dhalinayro oo ka lusha mid ka mid baaleyaasha korontada degaankaasi oo ay leedahay shirkadda korontada BECO.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in aysan garaneyn ninkan oo sida la maleynayo galinkii danbe ee xalay fuulay Baalahan korontadu ku qabsatay.

Lama oga in ninkan uu ka mid ahaa Shaqaallaha Shirkadda Korontada ee baalahan iska leh iyo inuu ahaa tuug doonayay inuu Baalaha qalab ka furto.

Maamulka degaanka ayaa soo gaaray goobta, waxaana baalaha ay ka soo dejiyeen Meydka ruuxaasi dhalinyaradda ah, waxaana socda baaritaano la xiriira waxa uu ahaa ninkan dhalinyarada iyo sababta keentay inuu baalahan fuulo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo difaacay amar muran badan dhaliyay oo kasoo baxay & hadal heyn ka dhalatay !!

Cabdi Cade

DEG DEG: Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka sii socda degmada Guriceel

Caydiid Ali

Xildhibaan Mahad Salaad oo talo & dardaaran siiyey lamaaanihii dartood loo dilay Axmed dowlo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---