Allbanaadir.com
NEWS

Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeymo culus oo kaga yimid Maamulka Puntland

Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan maalgashiga iyo Ganacsiga, Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa iska fogeeyey eedeynta uu u soo jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in shaqaaqada xalay ka dhacday magaalada Garoowe uu ka dambeeyo madaxweynaha Soomaaliya, si gaar ah wuxuu ugu eedeeyey ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan maalgashiga iyo Ganacsiga Khadar Cabdiraxmaan Faroole.

Hase ahaatee Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo uu dhalay Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa iska diiday eedeyntaas, isagoo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn.

Iska horimaadkan ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan siyaasiin mucaarad ah. Isku dhaca ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid hantiyeed.

Weerarkan ayaa billowday markii ay fooda isdareen ciidan waday agabka codaynta iyo maleeshiyo hubaysan oo taabacsan mucaaradka Mana aha markii ugu horeysay oo uu weerar ka dhaco Garoowe, kaasoo salka ku haya arrimo doorasho.

Related posts

Shirkado laga leeyahay dal Carbeed oo adeegyada Isgaarsiinta gaarsiinaya Qasa

Cabdi Cade

Ciidanka DF oo weeraray Kontrol Al-Shabaab dhigatay Jidka Buur hakaba & Baydhabo

Caydiid Ali

Askar katirsan ciidanka Dowlada oo Gaadmo lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---