Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Doxa (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo 2 maalmood ah.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulammo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goor dhow ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino laga helayo

Caydiid Ali

Darawal si farsameesan booliiska Kenya ugu gacan galiyay Labo nin hubeesan oo …

Cabdi Cade

Nin si xeeladeysan ku dhacay lacag Malaayiin Dollar gaareysa oo Xukun yaab leh lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---