Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay labo qof oo Reer Galbeed ah (Magacyada)

Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS  ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaanib ah kadib codsi uga yimid xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Labadaas ruux ayaa lagu eedeeyay in ay ku xad gudbeen sharuucda iyo Xeerarka dalka.

Labadaan Ruux oo lagu kala magacaabo Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka.

“Waxay ku xad gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka iyaga oo ka dhex baxay anshaxa iyo dhaqanka diblomaasiyadeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS.

Safaaradaha Jarmalka iyo Poland ayaan markiiba ka jawaabin tallaabada ay qaadday dawladda Soomaaliya, faahfaahina lagama hayo eedeymaha rasmiga ah ee sababay ceyrinta diblomaasiyiintan.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo tababar u xiray boqolaal ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Laamaha amaanka DF oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax lagu soo xiiray Gaari Cabdi Bille ah oo ka dhax dhacay gudaha Saldhig Booliis

Cabdi Cade
Taboola Ads ---