Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo Madaxweyne Xasan Shiikh ku eedeysay dagaalkii ka ka dhacay Garowe

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa ku eedeeyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, inuu ka dambeeyey ‘shaqaaqadii lagu weeraray sanaadiiqda doorashada’, ee xalay ka dhacday magaalada Garoowe.

Wasiir Juxa ayaa ku eedeeyey iska hor imaadka inuu mas’uul ka ahaa Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ah ergeyga gaarka ah ee arrimaha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ergeyga Xasan Sh. Maxamuud ee Arimaha Dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sh. Maxamuud sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo.”ayuu yiri wasiirka

Juxa wuxuu sheegay in labo askari oo ciidanka ka tirsan lagu dilay weerarkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarka lagasoo abaabulay guriga Khadar Faroole.

Juxa wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in garoonka diyaaradaha Garowe uu maanta xiran yahay, islamarkaana maleyshiyaadkii soo weeraray ciidamada ay qoryo waawayn dul keeneen garoonka Garowe.

“Doorashada Puntland way dhacaysaa. Waa doorasho degaan. Afar boqol oo kun in ka badan ayaa isu diiwaan galisay. Afar qof oo isku jifi ah oo magaalada Garowe joogta go’aankeeda ma gaari karto.” ayuu yiri Juxa.

Weerarkan oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawacba, wuxuuna dagaalku billowday markii ay iska hor yimaadeen ciidan waday agabka codaynta iyo miliishiyo hubaysan. Mana aha markii ugu horeysay oo uu weerar ka dhaco Garoowe, kaasoo salka ku haya arrimo doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo Howlgal socda

Cabdi Cade

Maxay isku hayaan Madaxweyne Saciid Deni iyo Golaha wakiilada Puntland?

Caydiid Ali

Masuuliyiin ku dhaawacmay dagaal xalay ka dhacay degmada Qoryooley

Caydiid Ali