Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal dib uga qarxay Sudan iyo Taliyihii ciidanka booliiska oo…

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga dowladda Sudan iyo kuwa gurmadka deg dega ee loo yaqaan RSF ayaa dib uga qarxay magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale oo kuyaalla dalka Sudan.

Ciidamada milatariga ayaa wararku sheegayaan in duqeymo culus ku garaacayaan goobaha ay magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale ka joogaan ciidamada RSF, waxaana goobaha qaar ka socda dagaal culus.

Dadka ku harsan goobaha ay ku dagaalamayaan labada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa sheegaya in ay maqlayaan hugunka madaafiic culus iyo hubka waa weyn ay is dhaafsanayaan labada ciidan.

Dhinaca kale Hogaamiyaha Militariga Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday ku simaha wasiirka arimaha gudaha Anan Hamed Mohammed Omar oo sidoo kale ahaa taliyaha ciidamada booliska Sudan.

Jeneraal Al-Burhan ayaan sheegin ilaa hadda sababta uu xilka uga qaaday taliyaha ciidanka booliiska Sudan, waxa uuna xilkan u magacaabay Khalid Hassan Muhyi al-Diin oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka booliiska.

Booliiska dalka Sudan ayaa la sheegay in ay ku fashilmeen in ay ka howlgalaan goobaha ay dagaaladu ka socdaan sida magaalada Khartuum, waxaana goobaha aysan joogin booliiska ka dhacay falal dambiyeedyo badan intii dagaalku socdeen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug oo amar deg deg ah siiyey laamaha amniga (Sawirro)

Caydiid Ali

Xogta kulan Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay danjire Fei Shengchao

Caydiid Ali

Cali C/qaadir Faarax oo kahor yimid xil ka qaadis maanta lagu sameeyay 

Cabdi Cade