Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo haweeney u Magacaabay Xakameynta Hubka Sharci darrada ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Mako Maxamuud Muuse in ay noqoto Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaraan, maadama ay muhiim tahay in la xaqiijiyo in hubka aanu galayn gacan aan ahayn tan sharciga iyo dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah Marwo Mako Maxamuud Xuseen in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegto Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan xasaasi ah oo Asmara ku dhax maraya Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Cabdi Cade

Mareykanka oo Shaaciyay in Saddex arrin oo Muhiim ah ka taageerayaan DFS

Cabdi Cade

Digniin laga bixiyey macluul dunida ku soo wajahan & hal arrin oo sabab looga dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---