Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Magaaladda Bolnas oo lagu soo dhaweeyay xarunta Gobolka Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden.

Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen masuuliyiin kale oo maamulka gobolka katirsan ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa wada-shaqeynta iyo wax is-dhaafsiga ku dhisan aqoonta, tababarida.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Bolnas ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii looga shaqeyn lahaa m ataaneynta labada Magaalo ee Bolnas iyo Muqdisho ee kuyaalla Soomaaliya iyo Sweden.

Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden ayaa ah muwaadin asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Sweden, waxaana sannadihii dambe kordhayay Soomaalida xilalka ka qabata waddamo badan oo caalamka kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo arrimo muhiim ah kala hadlay Anna Saleem Högberg (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xoog looga furtay 13 Kenyan ah oo ay ku tababarayeen gudaha Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay Marwo Anita Kiki (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---