Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safiiro cusub oo lagu ansixiyey kulankii Golaha Wasiirada Somalia (Akhriso Magacyada)

Golaha Wasiirada Xukuumada federaalka Somalia oo maanta kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey illaa saddex safiir oo cusub.

Safiiradan ayaa golaha Wasiirada waxaa soo hordhigay Wasaarada Arrimaha dibeda oo codsatay in la meel mariyo, taasoo goluhuna ugu dambeyn cod buuxa uu ku ansixiyey.

Inkastoo safiiradan aan la sheegin dalalka loo magacaabay haddana shabakada allbanaadir.com ayaa heshay  magacyadooda waxayna kala yihiin sidatan:-

1- Marwo Xaawo Xasan Maxamed

2-Dr. Ibraahim Isxaaq

3-Cabdiweli Jaylaani Xaaji Cabdow

Xaawo Xasan Maxamed oo ka mid ah safiirada maanta la ansixiyey ayaa xilka Wasiirka Caafimaadka ka soo qabatay Xukuumadii tan ka horeysay ee uu raisul wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Dhowaan ayey aheyd markii golaha wasiirada Somalia ay sidan oo kale meel mariyeen saddex safiir inkastoo aan illaa hadda la sheegin dalalka lagu kala qoray ee ay wakiilka ugu noqon doonaan Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Isbitaal ku booqday askar lagu soo dhaawacay Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Fanaan xalay lagu toogtay Addis ababa & rabshado xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland & Ilaaladiisa oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---