Allbanaadir.com
NEWS

Hooyo Soomaaliyeed oo afar carruur oo mataano ah saakay ka dhashay Muqdisho

Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaa saakay oo Talaado ah afar carruur mataano ah si caadi ah ugu dhashay hooyo Soomaaliyeed, oo isbitaalka loo geeyay in halkaasi ku dhasho.

Hooyada Soomaaliyeed ee dhashay afarta cunug ee mataanaha oo lagu magacaabao Farxiya Xuseen Cali ayaa kamid ah dadka kunool xaafada Owdweyne ee degmada Dayniile, waxaana hooyadan gar gaar u fidiyay dhaqaatiirta Isbitaalka.

Maamulka isbitaalka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in hooyada si caadi ah u dhashay afarta cunug, waxa ayna tilmaameen in xaalada caafimaad ee carruurtaasi iyo hooyadeed ay wannaagsan tahay.

Hooyo Soomaaliyeed oo laga keenay gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sidan oo kale bishii Maarso ee sannadkan isbitaalka Banaadir ugu dhashay afar cunug oo mataano ah, waxaana hooyadaasi garab istaag u muujiyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo maanta xilka la wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hirshabelle oo shaacisay Jadwalka doorashada todoba kursi (Akhriso)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---