Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland ee daacada u ah madaxweyne Siciid Deni iyo ciidamo kale oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweynaha ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Garawe.
Sida aan wararka ku helnay dagaal ayaa dhax maray ciidamo ilaalo ka hayay sanaadiiqda doorashada qof iyo cod iyo ciidamo kale oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod.
Inta la xaqiijiyay dagaalkan waxaa ku dhintay ku dhawaad shan askari oo dhinacyada dagaalamay ah, waxaa sidoo kale jira khasaaro kale oo dhaawacyo ah oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Gaadiidkii siday sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo markii dagalku qabsaday ku laabtay Garoowe ayaa maray waddo ka baxsan laamiga dheer islamarkaana gaaray goobihii loogu tala-galay sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.
Maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaan wali ka hadlin dagaalkan dhaliyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac, waxa uuna dagaalkan yimid xilli siyaasiyiinta mucaaradka ku baaqeen joojinta doorashada qof iyo cod.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com