Waxaa maanta hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ballaaran oo isugu jirtay duco iyo sagootin, taa oo loo sameenayay Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud, wax-garad, siyaasiyiin, saraakiil , culumaa’udiin, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Murusade.
Masuuliyiintii kala duwanaa iyo wax-garadkii munaasabadda ka hadlay ayaa Ugaaska ugu duceeyay in caafimaad deg deg ah siiyo safarkiisana uga dhigo mid sahlan, waxa ayna u muujiyeen garab istaag iyo taageero weyn.
Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaana uga mahad-celiyay munaasabadda dadkii soo qaban qaabiyay iyo kuwii kasoo qeyb galay, waxa uuna sheegay in qaarada Yurub u aadayo safar caafimaad .
Munaasabadda ducada iyo sagootinta ee loo sameeyay Ugaaska beesha Murusade ayaa kusoo dhammaatay si qurux badan, waxa ayna dhammaan dadkii kasoo qeyb galay munaasabadda ilaah uga baryeen Ugaaskooda in caafimaad iyo cimri dheer siiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com