Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Xeer awood aan caadi aheyn siinaya dowlada (Daawo Sawirro)

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.

Sidoo kale, Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen sharciga taya-dhawrka iyo hannaanka caddaallada iyo asluubta oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha ganacsiga iyo caddaaladda.

Ugu horrayn, kulanka maanta oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay sharciga taya-dhawrka oo lagu hubinayo badeecadaha dalka loo soo dhoofinayo, laguna tayaynayo badeecadaha dibadda loo iib-geynayo si loo dhawro xeerka tayada badeecadaha caalamiga ah ee adduunku wada aqoonsanyahay.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul rasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in kulankii maanta ay yeesheen golaha wasiirrada XFS lagu meel mariyay hannaanka caddaaladda iyo asluubta kaas oo caddaynaya nuuca caddaaladda Soomaaliya ay yeelanayso si loo hagaajiyo hannaanka caddaaladda dalka.

Sharciga taya-dhawrka ayaa loo gudbinayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan iyada oo hannaanka caddaaladda iyo asluubta la hor gaynayo golaha amniga qaranka si ay uga doodaan kadibna u saxiixaan si mawaadin kasta oo Soomaaliyeed uu u helo hannaan caddaaladeed loo simanyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed oo furay Musawac laga hago Maraakiibta ku xiranaya Dekadda Muqdisho

Caydiid Ali

Taliska ciidanka Booliska oo faahfaahin ka bixiyey qaraxii galabta ka dhacay Km4

Caydiid Ali

Askar ka tirsan ciidanka Kumandoska Gorgor oo dil iyo xabsi lagu xukumay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---