Kenya ayaa shaacisay iney dib u fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo xirnaa muddo ku dhow 12 sano oo xiriir ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa kulan kula leh magaalada Nairobi dhiggiisa Soomaaliya, Maxamed Sheekh Doodishe si ay uga wada hadlaan qorshaha dib loogu furayo xuduudaha labada dal.
Sidoo kale waxaa ka qeyb gelaya kulanka Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya Alfred Mutua, iyo dhiggiisa dhinaciisa Soomaaliya.
talaabadan ayaa timid kadib markii todobaadkii hore laga daahfuray magaalada Mandhera mashruuca xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadli doona sidii wax looga qaban lahaa khataraha guud ee amniga, maamulka xuduudaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo fududeynta ganacsiga.
Kindiki ayaa sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saari doono tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah xaqiijinta amniga ka hor inta aan dib loo furin xuduudaha.
Goobaha kala ah Belad-xaawo iyo Mandheera, Liboi iyo Gaarisa, iyo Kiunga-Daresalam oo ka tirsan gobolka Lamu-ayaa la xiray sannadkii 2011-kii, xilligaasoo ay socdeen duullaanno iyo weerarro ay geysanayeen Al-Shabaab.