Allbanaadir.com
NEWS

DF & Jubbaland oo ka shiray xal u helida dhibaato ay abuurtay dowladii Farmaajo

Madaxweyne ku xigeenka  Dowlada Jubaland mudane Mohamud Sayid Aden ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Doodishe.

Kulankan  ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubaland ayaa lagaga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha Gobolka Gedo.

Kulankan oo daba socday kulankii hore ayaa la isla soo qaaday sidii Degmooyinka Gobolka Gedo logarsiin lahaa adeeg yada ay bulshada ubahanyihiin iyo sidii looga hergalinlahaa degmooyinka gobolka  Gole Deegaan.

Khilaaf ka dhashay arrinta Gobolka Gedo ayaa taagnaa sabadihii la soo dhaafay kadib markii dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu degmooyinka Gobolka Gedo kala wareegay Maamulka Jubbaland, khilaaf siyaasadeed oo jiray awgeed hase yeeshee dowladda hadda jirta ayaan weli arrinta Gobolka Gedo u helin xal waara.

Maamul ka madax banaan Axmed Madoobe oo dowladii Farmaajo ka hirgelisay Gobolka Gedo ayaa diidan inuu mar kale la midoobo maamulka Jubbaland, waxaana siyaasiyiinta gobolkaas ay noqdeen kuwo u qeybsan labo garab.

Related posts

Ganacsade caan ah oo maanta wareejiyay Gaadiid dagaal iyo hub badan uu lahaa (Sawirro)

Cabdi Cade

Xog ku aadan Liiska ugu horeeya Musharaxiinta Aqalka Sare ee Qoor Qoor soo saarayo

Cabdi Cade

Waalidiin Gabadhooda oo 4 Jir ah Sabab yaab leh ugu hadiyadeeyay Gaari Mercedes ah !

Cabdi Cade