Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan Madaxweyne Qoorqoor la qaatay Sayed Mohamad Faroqui (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aqalka madaxtooyada Dhuusamarreeb ku qaabilay wafdi ka socday haya’dda WFP oo uu hoggaaminyay wakiila hay’adda ee Soomaaliya mudane Sayed Mohamad Faroqui.

Kulanka uu la qaatay ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda Galmudug iyo sii wadadidda arrimaha bani’aaddannimada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay teegeerada ay shacabka reer Galmudug la garab taaganyihiin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa waxa warbixin looga dhageystay guddiga doorashada Galmudug oo ka warbixiyay halka ay u marayaan dadaallada ku aaddan doorashooyinka ee ay wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaki laga muujiyay Xaalada uu ku sugan yahay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/Rashiid Janan

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe

Cabdi Cade

DF oo lagu eedeeyey iney dayacday ardayda ku go’doonsan Magaalada Wuhan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---