Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh Max’uud & danjire Michael Keating? (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta Muqdisho wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay Michael Keating Wakiilka gaarka ah ee Q/Midoobay arrimaha Soomaaliya .

Kulankan ayaa yimid ka dib markii danjire Keating uu booqday guriga Madaxweyne hore, Xasan Shiikh Max’uud uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

“Waxaan maanta kulan la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating kaasoo aan ka wada hadalnay xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale isla soo hadal qaadnay isbedelada mandiqada Geeska Africa” ayuu yiri Xasan Shiikh oo hadalkan ku soo qoray bartiisa Facebook.

Xasan Shiikh oo maalmo ka hor soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo la yeelanaya masuuliyiin kala duwan iyo qaar ka m id ah wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada amniga oo xiray shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Carbeed oo ku baaqay in dalkiisa qaato Nidaamka Calmaaniyadda !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Burcad dhacday gaari iyo hanti kale oo laga soo qabtay Duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---