Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay shirkad ku guleysatay Qandaraas xasaasi ah (Sawirro)

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia Hon. Jibril Abdirashid Haji , ayaa si rasmi ah u daah-furay munaasibad loo sameeyey ku dhawaaqista iyo saxiixa Qandaraaska hubinta tayada shixnadda ka horĀ  inta ayna badeecadahu soo galin dalka taasoo ay si daahfuran ugu guulaysatay shirkadda Bureau Veritas oo ka geyb-qaadan doonta fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.

Wasiira Jibriil, ayaa sheegay in talaabadani ay hagaajin doonto sidoo kale na hirgelin doonto hanaanka hubinta tayada badeecadaha ee laga so dhoofiyo dalka dibaddiisa iyo horumarinta hufnaanta ganacsiga dalka, waxaana uu bogaadiyey Maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo guud ahaan shaqaalaha hay’adda oo dedaal xoog ah ku bixiyey guusha maanta la gaadhay.

Wasiirka Ganacsiga yo Warshadahu, waxa sidoo kale u carabka ku dhuftay in arrintani ay muhiim u tahay ilaalinta badqabka bulshada, kor u qaadista kalsoonida ee isticmaalka badeecadaha ivo weli ba kobac dhaqaale oo waara, isaga oo xusay inay innoo suurto-gelin doonto xoojinta iyo horumarka ganacsiga aynnu la lee nahay wadamada caalamka.

Wasiirku, wuxu guushan taariikhiga ah ugu hambalyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed isaga oo u mahadceliyey madaxda hay’adda ivo saaxiibada caalamiga ah ee arrintan ku taageeray Wasaaradda.

Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed waa hay’adda u taagan ilaalinta iyo ka hortagga badeecadaha tayadooda hoosayso, kuwa dhacay iyo kuwa aan asalka ahayn si bulshada Soomaaliyeed loo ilaaliyo bad qabka Nololsha iyo caafimaadkooda.

ā€œWaa dhamaatay xili Soomaaliya ahaan jirtay meel qashin qub ah oo la keeno badeecadaha dhacay iyo heerkooda tayada liidatoā€ ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia Hon. Jibril Abdirashid Haji.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Miisaaniyada Xukuumada Somalia ee sanadka 2020 oo la kordhiyey, lana asixiyey

Caydiid Ali

Joe Biden oo tagay Xadka Ukraine ammaana u jeediyay ciidamada Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---