Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan miino ayaa lala eegtay gaari nuuca Cabdi Bilaha ah oo ay wateen ciidam o katirsan booliiska sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay ammaanka magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay afar askari oo katirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay askar kale oo katirsanaa ciidanka, kuwaa oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalo kuyaalla Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta caawa qaraxa miino ka dhacay, lamana oga ilaa hadda in dad ciidamada ammaanka usoo qabteen qaraxa khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay degmada Kaxda.

Qaraxan miino ayaa dhacaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho wax badan ka badaleen ciidamada cusub ee lagu wareejiyay amniga caasimadda, waxaana muddooyinkii dambe yaraaday qaraxyadii iyo dilalkii Muqdisho ka dhici jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoys doortay in ay noloshooda ku dhex qaataan hoteel five star ah iyo Sababta keentay!

Cabdi Cade

Qodobada Madaxweyne Farmaajo hor dhigi doono Shirka IGAD oo la shaaciyay 

Cabdi Cade

Galmudug oo ka hadashay Sharuudo la sheegay in ay ku xirtay Shirka ka dhacaya Xalane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---