Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geesatay iyo ganacsade xiriir la lahaa (Sawirro)

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo dhac u geesanayay dad shacab ah.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in burcadan la qabtay ay telfoono ka dhaceen dad shacab ah, waxa ayna booliiska oo helay xogta labadan nin ee burcada ah ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan.

Booliiska ayaa sidoo kale soo xiray nin ay sheegeen in uu ahaa ganacsade ay burcadan u geen jireen telfoonada ay dadka shacabka ah ka dhacaan, waxa ayna booliiska sheegeen in saddexdan nin xabsiga la dhigay loona gudbin doono laamaha caddaaladda.

Ciidamada booliiska Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada booliiska ee sida milatariga u tababaran ayaa howlgalo ka wada degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, ciidabkan ayaana inta badan beegsada kooxaha burcada iyo kuwa falalka amni darro wada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Cabdi Cade

Magac ay la baxaan dadka Muslimiinta oo kamid noqday Magacyada ugu caansan dalka …

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo War ka soo saaray dagaal beeleed ka dhacay Sh/dhexe

Caydiid Ali