Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Turkiga iyo Cidda ku horeesa codadka la tiriyay

Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, iyada oo ay haatan soo baxayso natiijooyinkii ugu horreeyey ee hordhaca ahaa, ka dib markii la tiriyey qaybo ka mida sanaadiiqda codbixinta.

Sida ay baahinayaan wakaaladaha wararka iyo weliba hay’adaha warbaahinta ee dalka Turkigu, waxaa illaa haatan la tiriyey illaa 49% oo ka mida codadkii la dhiibtay.

Natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ee ka soo baxaysa sanaadiiqda la tiriyey ayaa muujinaysa in Erdogan uu ka horreeyo musharaxa mucaaradka ee la tartamaya illaa 10%. Erdogan ayaa haysta 52% halka musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee Kilicdaroglu uu haysto 42%.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah la filayey inuu ku hoggaamiyo Erdogan, maadaama ay badankoodu ka imanayaan deegaano uu ku xoog badan yahay Erdogan.

Afar ilo wareed oo ka tirsan mucaaradka Turkiga oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Kilicdaroglu uu tiro aad u yar ku horreeyo.

Weli waxaa dhiman codad aad u badan, kuwaas oo go’aamin doona natiijada rasmiga ah ee cidda ku guulaysanaysa doorashada madaxtinimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Gacan-Maroodi 

Cabdi Cade

Ruushka oo Shaaciyay in Dagaalka 3-aad ku bilaaban doonin Taangiyo iyo Diyaarado

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo Wareegto ku magacaabay taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---