Allbanaadir.com
NEWS

Dabaq aad u dheer oo lagu xaraashayo Suuqa Internetka (Daawo Sawirada)

Suuqyada Dhinaca Internetka ayaa u muuqda kuwa horey u socda oo qaadaya talaabooyin cusub, waxaana suuqyadan inta badan lagu kala iibsan jiray alaabaha yar yar sida Telfoonada , Dharka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Waxa ay hada bilaabeen Suuqyada Intertnetka ee Dunida in dabaqyo iyo guryo lagu xaraasho, waxa ayna tilaabadan tahay mid cusub oo soo jiidatay dad badan oo Suuqyada Intetneka ku xiran.

Dabaq dhererkiisu dhanyahay 156m kuna yaala  gobolka Shanxi  ee dalka Shiinaha ayaa lagu xaraashayaa Suuqa Internetka Taoboa oo ah suuqa ugu weyn ee internetka kuna xiran yihiin macaamiil badan.

Dhismaha Dabaqan oo ah mid qabyo ah oon wali la dhameestirin ayaa lagu doonayaa aduun lacageed oo gaaraya 84-Milyan oo Dollar, waxaana dhismahan qabyada ah uu joogsaday kadib markii ay go’day lacagtii lagu dhisayay.

Suuqa Internetka ayaa ahaa mid alaabaha yar yar kaliya lagu kala iibsado hasa ahaatee hada isbadal ku yimid, waxaana dhawaan Suuq Internet lagu kala iibsaday diyaarad weyn oo nooca Being 747.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergeyga Madaxweynaha oo dalbaday in balaayiin dollar oo magdhow ah Somalia la siiyo

Caydiid Ali

Booliiska gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay gaadiid cusub oo ay ku howlgalaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney Dilaa ah oo Khatar ku ah raga oo laga baadi goobayo dalka Kenya !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---