Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo saakay ka socda magaalada Khartuum xilli maanta la filayo in …

Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ee RSF ka socdaan magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale.

Ciidamada milatariga ayaa duqeymo culus ku garaacaya fariisimaha ay ku sugan yihiin ciidamada RSF , waxaa sidoo kale labada dhinac dhax maraya dagaal culus oo ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayaan jugta qaraxyo iyo rasaas culus oo labada dhinac is dhaafsanayaan, waxaana aad u adag in la ogaado xaalka dhabta ah ee dagaalka socda iyo khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka saakay ka socda dalka Sudan ayaa imaanaya xilli maanta la filayo in dalka Sacuudiga dib uga bilowdaan wadahadalo xabbad joojin iyo mid xal loogu raadinayo colaada ka taagan dalka Sudan.

Ergo kala mataleysa milatariga iyo RSF ayaa Khamiistii saxeexay in ay diyaar u yihiin inay fulin doonaan waxa lagu heshiiyo, ka dib toddobaad wadahadal ah oo ay dhexdhexaadinayeen Sucuudiga martida loo yahay iyo Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi ku xanuunsaday biyaha webi wasaqoobay oo uu Shacabkiisa rabay inay ka cabaan!

Cabdi Cade

Puntland oo shaacisay in ay qabaneyso doorashada 10-kursi xili Khilaaf jiro

Cabdi Cade

Laftagareen iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Waddanka Nigeria (Ujeedka+Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---