Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay iney fuliyeen duqayn cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo ka falcelinayay weerar Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa dowladda oo ku sugnaa degaanka Libikus gobolka  J/hoose.

AFRICOM oo war qoraal ah soo saaray, ayaa sheegay, in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya.

Howlgalka AFRICOM wuxuu sheegay in laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgal duqaynta ah, iyagoo xusay in aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay duqayntaas.

“Dawlada Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tillaabooyin waaweyn oo looga hortagayo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara weerarada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaaraha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo galabta ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali

Mustafe Cagjar oo war ka soo saaray dilkii Xildhibaan Juweria Subcis & dhaawaca dad kale

Caydiid Ali

(Sawirro) Laftagareen oo daahfuray xarun loo dhisay Wasaarad ka tirsan K/Galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---