Beri oo Axad ah 14-ka May, dalka Turkiga waxaa ka dhacaya doorasho Madaxweyne iyo mid Baarlamaan. Waxaa codaynaya dad gaaraya 60 milyan.
Doorashadani waa mid xiiso iyo xammaasad badan. Waxaa lagu tilmaamay doorashada ugu muhiimsan caalamka ee sanadkaan 2023. Waayo natiijadeedu waxay saameyn doontaa dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida, gaar ahaan Ciraaq, Suuriya, Bariga Dhexe, Balkaniska, Bartamaha Aasiya iyo Afrika.
Turkigu waa xubin NATO, quwad soo koraysa—dhaqaale iyo ciidan ahaanba. Waxa uu kaalin soo ifbaxaysa ku leeyahay qaab maamulka dunida.
Sidaas darteed, Kalabar dunida ayay si dhow u daneynaya natiijada doorashadaan: laga soo billaabo Midowga Yurub, Maraykanka, Ruushka, Yukrayn, Carabta iyo Afrika.
Waxay kusoo beegmaysaa 100 sano guuradii aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, kadib markii Dagaalkii 1aad ee Adduunka ay ku burburtay Boqortooyadi Cusmaaniyiinta oo Turkiga iyo meelo kamid ah Bariga Dhexe iyo Yurub maamuli jirtay.
Madaxweynaha haatan talada haya Erdogan waxa uu ku ololeeyaa in Turkigu 100 sano jirsatay asagoo uu kaynaanka u hayo, oo dalka horumar baaxad leh gaarsiiyay intii uu hoggaaminayay.
Doorashadan waxaa lagu gelayaa qaab isbahaysi ah, waxaana ugu waaweyn labadaan:
Isbahaysiga Qaranka/Ummadda: Waa tan Erdogan, waxayna ka koobantahay Xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Horumarka, Xisbiga Qowmiga ee MHP iyo Xisbiyo yar yar sida Buyuk Birlik Party, Yeni Refah Party iyo HUDA-PAR.
Isbahaysiga Dadka: Waa kan mucaaradka ee Kemal Kilijdaar-Oowlu u sharraxan yahay. Rasmi ahaan waxay ka koobantahay 6 xisbi, oo ay kamid yihiin Xisbiga Jamhuuriga CHP, kan Qowmiga ee IYI Party iyo kuwa yaryar sida GELEJEK, DEVA, SACAADET. Sidoo kale, xulafada mucaaradka waxaa taageersan Xisbiga weyn ee Kurdiga ee HDP.
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com