Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha oo muhiimadda siinaya badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka ee ay lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991, ayaa magacaabay Guddi ka kooban 8 xubnood oo ka shaqeeya soo celinta hantida dowladda, kuwaas oo kala ah; 1.Mudane Abshir Cumar Huruuse – Wasiirka Arrimaha Dibedda – Xubin 2.Mudane Dr Cilmi Maxamuud Nuur – Wasiirka Maaliyadda – Xubin 3.Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – Wasiirka Ganacsiga – Xubin 4.Mudane Ismaaciill Cabdiraxmaan Sh. Bashiir – Wasiirka Howlaha Guud – Xubin 5.Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) – Gud. Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho- Xubin 6.Mudane Dr Cismaan Cilmi Guuleed – Garyaqaanka Guud ee Qaranka – Xubin 7.Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada – Xubin 8.Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – Xubin Soo celinta hantida Qaranka ayaa loo kala hormarinayaa duruufaha loo qabo in lagu fuliyo adeegyada Bulshada ama baahida ay dowladu u qabto inay ku fuliso shaqo Qaran. Waajibaadka Guddigan ayaa noqonaya: 1.Tirakoobka Hantida Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradaha, Hay’adaha madaxa-bannaan ee Dowladda dhexe iyo Dowladaha Hoose. 2.Soo celinta Hantida Qaranka ee sida sharci darrada ah loo heysto. 3.Qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin Hantida Qaran ee la tirakoobay. 4.Ka soo talo bixinta nidaaminta Hantida Qaranka ee la soo celiyay iyo sida ugu habboon ee loogu adeegsanaayo danta guud. 5.U soo gudbinta Ra’iisul Wasaaraha warbixin dhammeystiran ee geeddi-socodka soo celinta Hantida Qaranka.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com