Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee maamulka ayaa kormeer ku tagay deegaanka Gadoon ee bariga Gobolka Galgaduud.
Qoor Qoor iyo xubnaha la socday waxaa kusoo dhaweeyay deegaanka Gadoon qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankaasi ku dhaqan, kuwaa oo u muujiyay muxibo iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in ay soo booqdaan madaxda maamulka Galmudug.
Qaar kamid ah odayaasha deegaanka oo la kulmay madaxweyne Qoor Qoor iyo masuuliyiintii ka socotay ayaa ka codsaday in deegaanka laga caawiyo dhinacyo badan oo baahi u qabaan, gaar ahana waxbarashada iyo caafimaadka.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa u ballan-qaaday odayaasha iyo bulsada uu la kulmay in deegaanka laga hir-gelin doono mashaariicyo badan oo dhinaca horumarinta ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com