Kemal Kilicdaroglu, oo ah musharraxa ugu weyn ee la tartamaya Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay Ruushka inay baahiyeen muuqaal been abuur ah oo ku saabsan galmada Muharram Inje, qof ay isku xisbi ahaan jireen iyo musharaxa kale.
Kilicdaroglu ayaa ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay faragelin ku hayso doorashada Turkiga, waxa uuna sheegay in Ruushka ka shaqeenayo baahinta fadeexado iyo waxyaabo kale oo wax u dhimaya doorashada..
Wuxuu intaa ku Daraya “Faragelinta waddan kale uu ku hayo arrimaha gudaha ee Turkiga, waa mid aan la aqbali karin, hadday doorashada socoto iyo hadday tahay waqti kaleba, doorasho ayaanu qabanaynaa, gabi ahaanna lama aqbali karo in faragelin lagu sameeyo dalka Turkiga. Taasoo waa fara galintee, oo u janjeerta xisbi siyaasadeed,” ayuu yiri.
Dowladda Ruushka ayaa beenisay inay wax faragelin ah ku sameysay doorashada Turkiga, iyo sidoo kale iney kaalin ku laheyd baahinta muuqaalka musharax kale.
Siyaasiga Muharram Inge, oo isna kamid ahaa musharaxiinta mucaaradka ee ka qeyb gali lahaa doorashada ayaa isaga haray doorashada , kadib muuqaal muujinaya isagoo galmo sameynaya.
Inge ayaa shan sanno ka hor ahaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga, kaasoo la tartamay madaxweyne Erdogan, balse waa laga guuleystay, inkastoo lagaga guuleystay codad la yaab leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com