War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in hawlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 44 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab .
Dowladda ayaa sheegtay in xubnahan Al Shabaab katirsanaa ee la dilay ay isugu jireen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaasi oo isku aruursanayay godad ay ka qoteen deegaanka Cali Fuuto ee lagu weeraray.
Howlgalkan ayey dowladdu sheegtay in uu dhacay shalay oo taariikhdu ku beegneed 12-ka May, waxa ayna sheegeen in sirdoonka NISA ay muddo hayeen xogta kooxdan oo isku aruursanayay goobta lagu weeraray.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan sidoo kale lagu bur buriyay godad ay halkaas ka qoteen kooxda Al Shabaab, hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen dagaalamayaasha Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com