Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsanaa dowladii Afgaanistaan oo isku dhiibay maamulka Taalibaan

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka dowladdii hore ee Afgaanistaan, ​​Tahir Zahir ayaa isku soo dhiibay kooxda Taalibaan ee haysa talada dalka Afgaanistan , sida ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi.

Warbaahinta taageerta kooxda Taalibaan ayaa baahisay muuqaalka wasiirkan oo isku soo dhiibay maamulka Talibaan gaar ahaan maamulka ka jira gobolka Samangan, waxaana wasiirka soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Taalibaan.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Taalibaan ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo maamulka Taalibaan, waxa uuna tilmaamay in aanu xal aheyn dagaal sidaa darteed go’aansaday in uu la heshiiyo maamulka Afganistan hadda xukuma.

Maamulka Taalibaan ayaa horey waxaa isugu soo dhiibay masuuliyiin iyo saraakiil horey uga tirsanaa dowladdii bur burtay, waxaana Taalibaan dadkaas qaarkood u oggolaatay in si caadi ah ugu noolaadaan gudaha Afgaanistaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Kenya oo weeraray xarun Islaami ah oo ku taalla xaafadda Islii

Caydiid Ali

Maxay siyaasiyiinta ugu caansan mucaaradka ku diideen kulanka Qoorqoor?

Caydiid Ali

GuddoomiyeTuulax oo ka hadlay qaraxii xarunta Gobolka Banaadir & dhaawaca Ing. Yariisow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---