Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis dan u ah Dalkeenna (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxda Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia uga mahadceliyay doorka muuqda ee Sanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Jidda, wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda hey’adaha maaliyadda carabta, si Soomaaliya ay u gaarto deyn-cafin dhinac walbo ka dhameystiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil uu dhalay wasiir ka tirsan Dowlada Israel oo lagu dilay Gaza (Daawo Sawiro)

Caydiid Ali

Jen. Odowaa oo ka hadlay ciidan gadooday oo shalay xirtay jidad ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay xilliga uu furmayo Tartanka kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---