Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweye Muuse Biixi Cabdi oo kormeer ku tegay Beerta Xoriyadda Hargeysa (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa kormeer ku tegay Beerta Xoriyada oo maalmahanba ay ka socotay shaqo ballaadhan oo uu hormuud ka ahaa Maayarka Caasimada iyo hawladeenadiisu.

Waxaana Madaxweynaha Qaranka halkaa ku soo dhaweeyey maayarka Caasimada iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ee ku gudo jiray hawl-maalmeedkii ay ka wadeen fagaaraha Beerta Xoriyadda.

Madaxweyne Muuse Biixo ayaa  bogaadiyey dedaalka iyo tacabka ka muuqda Fagaaraha ee ay geliyeen muddadaa kooban ee ay hawsha wadeen, isagoo ku dhiirigeliyey in ay halkaa ka sii wadaan dedaalka.

Muuse Biixi waxaa ku wehelinaayey Kormeerkaasi Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo xabsiga u taxaabay samafale Cali Khadaab

Caydiid Ali

Go’aanno dhowr ah oo kasoo baxay shir amniga Amniga Somaliland looga hadlayay

Cabdi Cade

Masuuliyiintii Ahlu Sunna oo isaga baxay Dhuusomareeb iyo xog ku aadan halka ay joogaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---