Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo Joojinaya Malaayiin Dollar uu siin jiray mid kamid ah Dalalka Islaamka

Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay joojineyso Malaayiin Dollar ay ku taageeri jirtay dowlada Pakistan gaar ahaan howlgalka loogu tala galay la dagaalanka argagaxisada.

Mareykanka ayaa Pakistan ku eedeeyay in ay ku guul dareesatay horu marna aysan ka gaarin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah, waxa ayna dowlada sheegtay in lacagtaasi u weecinayaan meelo kale oo Muhiim ah.

Afhayeenka Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa cadeeyay in la jarayo lacagtii lagu taageeri jiray Pakistan , waxa uuna sheegay in lacagahaasi loo weecinayo meelo kale oo muhiimad gaar ah iyaga u leh.

Talaabadan ay dowlada Mareykanka uga jartay Pakistan dhaqaalihii ay ku taageeri jirtay ayaa kusoo aadaya xili maalin kadib la filayo in dalka Pakistan uu booqasho ku tago Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo .

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa  horey waxa uu dowlada Pakistan ku eedeeyey iney Mareykanka Khiyaantay iyada oo balayiin doolar uu siiyo, waxa uuna ku hanjabay in lacagtaasi uu ka jari doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Trump oo mar kale loo dhaariyey Madaxweynaha USA

Caydiid Ali

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino aan ka helnay

Cabdi Cade

Dacwadii loo heystay Abuukar Samow & kooxdiisa oo go’aan laga gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---