Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weriye caanka ahaa dalka Kenya oo isdaldalay & baaritaano socda

Joseph Mochere oo ahaa Suxufi dadka ka qosliya oo ka shaqeynayay idaacada Egesa FM ee magaalada Nairobi ayaa meydkiisa laga helay hoygiisa ka dib markii uu isdaldalay.

Geeridiisa waxaa saxaafada u xaqiijey Nancy Kwamboka Omweri oo ah madaxa Idaacadda uu ka shaqeynayay Wariyaha.

“Mr Joseph Mochere Atandi wuxuu ahaa maadeeyedadka ka qosliyaoo aad loo jeclaa” ayuu yiri Nancy Kwamboka oo ah suxufi la shaqeyn jiray saaxiibkiis geeriyooday

Lama sheegin wax buuq oo ku furnaa suxufigaasi marka uu shaqada joogay sida ay sheegeen Saaxiibadiis, lamana oga illaa hadda sababta uu isku dilay, iyadoo boolisku ay wadaan baaritaano.

Guddoomiyaha Ismaamulka Kisii ee Kenya  James Ongwae ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay weriyahaasi iyo xaruntii warbaahineed uu ka tirsanaa.

Taageerayaashiisa ayaa baraha bulshada ku faafiyay fariimo tacsi ah oo ay ku muujinayaan sida ay kaga xun yihiin geeridiisa oo ay sheegeen iney ku noqotay mid lama filaan ah oo naxdin leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isimada Puntland oo go’aano culus ka soo saaray khilaafka ka taagan doorashada

Caydiid Ali

Daacish oo sheegatay Masuuliyadda weerar Masjid lagu qaaday

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga DF iyo Maxamuud Sayid Aadan oo kawada hadlay arrinta Gedo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---