Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Ibraahim Maxamed oo Shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta ku kaliftay

Wasiirkii arrimaha Bulshada ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya Ibraahim Maxamed Amaan ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay kursiga wasiirnimo uu ku fadhiyay, isagoona eedeyn u jeediyay Madaxweynaha maamulka .

Wasiirka ayaa sheegay in uu isku casilay caddaalad darro iyo maamul xumo baahsan oo hareesay maamulka uu hoggaamiye madaxweyne Mustafa Cagjar, waxa uuna xusay in deegaanka uu hadda ka jiro jahwareer siyaasadeed.

Waxa uu sheegay wasiirka in madaxweyne Mustafe Cagjar uu dalka siyaasad khaldan ku maamulayo, waxa uuna sheegay in ku adkaatay in uu kasii mid ahaado dowlad ku shaqeenaysa caddaalad darro .

Wasiirka is casilay ayaa xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sanadkii 2021, waxa uuna siyaasigan katirsanaa ururkii ONLF ee la heshiiyay dowladda Itoobiya, waxaana is casilaadiisa imaaneysa xilli la sheegay in ay isku dhaceen madaxweyne Cagjar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Imaaraadka oo dayuurado gargaar sida ka dejiyey Magaalada Hargeysa

Caydiid Ali

Guddiga doorashada federaalka oo War ka soo saaray doorasho ka dhacday Baydhabo

Caydiid Ali

Loolanka Wasiir Fiqi & Cali Balcad ee bixinta baasaboorka Diblomaasiga oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---