Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xulufada Sacuudiga oo ugu dambeyn qirtay iney caruur badan ku xasuuqeen dalka Yemen

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ugu dambeyn qirtay iney fuliyeen duqeyn bus iskuul oo bishii la soo dhaafay ka dhacday dalka Yemen oo ay ku dhinteen 51 ruux oo 40 ka mid ah caruur ay caruur ahaayeen.

Khubaro xulufada sacuudigu u xil saareen baaritaanka ayaa maanta sheegay in duqeyn 9-kii bishii hore ee August ka dhacday gobolka Sacda ay aheyd mid qaldantay.

La taliye dhanka sharciga oo ka tirsan kooxda loo xilsaaray baaritaankan Mansour Ahmed al-Mansour ayaa sheegay in lala xisaabtami doono duuliyeyaashii ka dambeeyay weerarkaasi.

Afhayeenka xulufada Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen Col. Turki Al-Malki ayaa horey u difaacay weerarkan lagu laayey caruurta, waxaana uu sheegay inay beegsadeen goobo milateri.

Baaritaankaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib markii hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo xoghayaha guud ee qaramada  Midoobay  Antonio Guterres ay si wadajir ah u cambaareeyeen weerarkaas.

Xulufada Sacuudiga ayaa lagu eedeeyey iney kumanaan shacab ah ku dileen duqeymaha ay ka wadeen dalka Yemen sanadihii la soo dhaafay, iyagoo la dagaalamaya kooxda xuuthiyiinta shiicada ah ee iran ay taageerto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo Baaq cusub kasoo saaray dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya

Cabdi Cade

Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo rag dhalinyaro ah dil ugu geystay Hiiraan

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo Sabab u noqday in Hakan Sukur uu noqdo Taksiile !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---