Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Nigeria oo xiray haweeney geysatay afduubkii ugu yaabka badnaa

Booliska Nigeria ayaa sheegay in ay xireen haweeney afduubatay gabadheeda si ay lacag madaxfurasho ah uga dalbato seygeeda hore oo ahaa aabaha ka dhalatay gabadha.

Haweeneydan oo 25 jir ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay afduubatay Xafsat Kabiru oo ah gabar uu dhalay ninkeedii hore, waxayna ka codsatay inuu uu bixiyo lacag madax furasho ah oo dhan 6485 oo Dollar.

Haweeneyda ayaa lala xiray qof kale oo dumar.

Labadan haween ayaa ka mid ah 10 qof oo ay booliska Kano ee dalka Nigeria ku edeeyeen inay qorsheynayeen afduubashada caruur aan qaangaarin oo ku nool Kano, si ay malaayiin dollar oo madaxfurasho ah uga qaataan.

Waxa sidoo kale lagu edeeyay inay gobolka Kano ka geysteen dambiyo kala duwan, sida dhac, afduub iyo ka ganacsiga daroogada.

Xigasho: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo u yeertay danjiraha Kenya, kana dalbatay jawaab cad (Akhriso)

Caydiid Ali

Xukuumadda Xamse Barre oo xaalku ku xumaanayo iyo abaabul socda

Cabdi Cade

Qodobo Muhiim ah oo looga hadlay kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---