Allbanaadir.com
NEWS

Xeer ilaalinta Soomaaliya iyo Sacuudiga oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga Carabiya ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Sacuudiga Sacuud Bin Abdalla.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka Labada Xafiis ee xeer ilaalinta iskaashiga labada dhinac, ka wada shaqeynta horumarinta xafiisyada iyo howlaha horutabinta u leh labada dhinac.

Xeer ilaaliyaha ayaa booqday xarunta dambi baarista dalkaasi sacuudiga oo si weyn loogu soo dhaweeyay isla markaana waxaa uu indho indheyn ku sameeyay qaabka ay u shaqeeyso xaruntaasi.

Waxaa sido kale uu booqday xarunta ugu weyn ee lagula dagaalamo fikirka xagjirka oo dhibaato weyn ku haaya dalalka Islaamka.

Related posts

Xulkee ku guuleystay kaalinta 3aad ee koobka Aduunka 2022? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo balan-qaad culus u sameeyey dhibane Seynab Aadan Saalax (Sawirro)

Caydiid Ali

Keligii taliye caan ah oo amar yaab leh ku soo rogay gaadiidka dalkiisa laga isticmaalo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali