Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Q/Midoobay oo qaraar culus ka soo saaray dagaalka ka socda Sudan

Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi degdeg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee dalka Sudan, iyaga oo meel mariyey qaraar lagu cambaaraynayo xaaladda xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalkaas laga geystay wixii ka dambeeyey bishii October 25-keedii, sannadkii 2021, xilligaas oo milaterigu uu xukunka la wareegay iyo dagaaladii dhacay wixii ka dambeeyey April 15-keedii.

Qaraarkan oo ay taageereen 18 dal, halka ay ka horyimaadeen 14 dal, tirada ka aamustayna ay ahayd 15 ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka la qaaday inay ka dhasheen, dhimashada boqollaal rayid ah, iyo dhaawaca kumanaan kale, sidoo kalena waxaa sare u kacay heerka xadgudubyada jinsiga ah iyo kufsiga loo geysanayo haweenka, barakac baahsan iyo burbur loo geystay hantidii dadweynaha.

Xasan Shire, oo ah agaasimaha fulinta ee ururka difaacayaasha xuduuqda aadanaha, ayaa sheegay in qaraarkani uu ka hooseeyo wixii laga doonayey, sida in la meelmariyo nidaam baariseed, dbedda lagu soo dhigayo isla markaana lagula xisaabtamayo cidda ka masuulka ah dhibaatada loo geysanayo shacabka Sudan.

Madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa cambaareeyey inqilaabkii milateri ee dhacay sannadkii 2021, kaas oo ay hoggaaminayeen General Abdelfattah al-Burhan iyo taliyaha kale ee ay iska soo horjeedaan ee General Mohamed Hamdan Dagalo

Volker Türk ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay meel mariyaan xabbad-joojin gundhigeedu yahay hawlaha bini’aadantinimada, si gargaarka bini’aadanimo loo gaadhsiiyo goobaha ay colaaduhu ka socdaan isla markaana loo ilaaliyo inaan la bililiqaysan sahayda gargaarka bini’aadanimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble deeq ka gudoomay Imaaraadka, raali gelin lama filaan ahna bixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirka kale oo Muqdisho uga furmaya Dowlada Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Musaveni oo qaadaya talaabo cusub ka dib askartii looga laayey Buulo mareer

Caydiid Ali